kuulam
(m.l)

(fiis.) Summad: C. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee saldanabka danab, waxana loo qeexaa saldanabka uu ku raro hal sekend qulqul danab hal ambiyeer ahi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuulam

faradh [m.l] (-dho, m.dh)
(fiis.) Summad F. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee madhxinta, waxana loo qeexaa madhxinta madhxiye kasbaday saldanab 1 kuulam, marka keyd taraqiisa la gaarsiiyey 1 foolt. F. waa halbeeg ka weyn istiicmaalka caadiga ah, waxana la qaataa jajabkiisa oo ay ka mid yihiin biiko-f. (PF) iyo maykaro f. (μF).

xeerka danab-soocidda Faaradhay [m.l]
1. (fiis.) Xeerka 1aad ee danab soocidda Faaradhay: cufka walax ee soocanta, marka ay danab soociddu socoto, waxa uu saamiggal qumman la yahay inta kuulam ee dhexmarta gudbiye milmaha. 2. (fiis.) Xeerka 2aad ee danab socidda Faradhay: haddii xaddi danab oo isku mid ah la dhexmariyo gudbiye milmayaal kala duwan muddo go'an, cufafka walxaha kala duwan ee soocma waxa ay saamiggal qumman la yihiin culeys atameedyadooda oo loo qaybiyey saldanabka ayoonka sida qulqulka danabka.

xeerka Kuulam [m.l]
(fiis.) Xoogga ka dhexeeya saldanabka laba barood oo isku jira fogaan r (mitir) ahi waxa uu saamiggal qumman ku yahay tarenta saldanabyada q_1q_2 iyo rogaalka labajibbaarka fogaanta u dhexeysa.

kuul [m.dh] (-lo, m.l)
Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iwm ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan.

kuul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
Khad madow indho marin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg