kuulan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-lnaa, -lnayd)

1. Qof wax indhakuul marsadey ahaansho. 2. Indhaha agagaarkooda madow ku leh ahaansho (sac iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuulan

indhakuulan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
Wax indhakuul marsaday ahaansho (cid).

kuulnaan [m.f.dh]
eeg kuulan. ld kuulnaansho.

kuul [m.dh] (-lo, m.l)
Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iwm ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan.

kuul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
Khad madow indho marin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg