kuurgeli
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

U k.: cid aan war hayn oo meel aad u dhow u fariisasho si loo ogaado xogta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuurgeli

falanqee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-qeeyay, -qaysay)
Arrin si dhab ah uga doodid; arrin u kuurgelid, arrin gudo gelid.

hubsiimo [m.dh]
U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. ld hubsasho.

kormeer [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Hawl iwm socodkooda u kuurgelid.

kuurgal [m.l]
1. K. ah: qof u kuurgalaya. 2. ld kuurgelid.

kuurgelid [m.f.dh]
eeg kuurgal². ld kuurgal¹ (2).

kuurgelin [m.f.dh]
eeg kuurgeli.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg