kuus
(m.l) (-sas, m.l)

1. Wax buuran ama qaab kankoonsan leh. 2. K. lacag ah: lacag badan oo wax qiimo leh goysa.

kuus
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -stay)

Wax badan meel yar isugu keenid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuus

laakoliit [m.l]
(jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.

naakuuso [m.dh]
Xog yar oo laga helo arrin qarsoon.

saalo [m.dh]
Saxaro kuuskuusan oo geela, ariga iyo ugaarta qaarkeed dhigaan.

balambal [m.l]
1. (balambal, m.dh) Geed gaab dhirta daawada leh ka mid ah oo leh caleemo balballaaran, miro yaryar oo kuuskuusan iyo laamo jilicsan oo jabi og; geed-jinni. 2. ld balaambalid.

barjo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Madaxa hore oo kuusan ee xubinta taranka ragga; dhalfo; fanjar. 2. Qayilaad meel fadhi fiican oo lagu raaxeysto leh lagu qayilo.

basal [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Khudrad ur silloon oo dhadhan kulul, caleemo dhuudhuuban oo dhaadheer iyo buruq kuusan leh oo la cuno.

bayb [m.l] (-byo, m.dh)
Qalab ka kooban dhuun dhuuban iyo madax kuusan oo dhexda ka dalaloola oo tubaakada lagu dhuuqo. ld beeb, biibbo.

baydaan [m.l]
Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.

bocor [m.l]
1. Burcadka caanaha geela ka soo baxa. 2. Meesha kuusan oo cunaha ragga ku taal. 3. Miro ay qaraha isku bahyihiin oo la cuno marka la kariyo. 4. Geedka digirta marka uusan weli aad u soo bixin ee madaxiisu fooraro.

booc [m.dh]
Geed caano leh caleemo balballaaran, laamo jiljilicsan iyo miro kuus kuusan oo buufsan leh.

ku [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo.

ku [mu.ac.l]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg