kuwo
(mu.ac.w)

eeg ku².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuwo

barbarafow [m.l] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.

buqbuqo [m.dh]
Caano ciir ah iyo kuwo dhay ah oo la isku daray. ld buqbuqood.

dabar [m.dh]
(kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).

dheef-burburin [m.dh]
(baay.) Burburka dheefsasho ee molikiyuullada waaweyn ee nooluhu, isugu beddelaan kuwo yar yar iyada oo la sii daynayo tamar. Neefsashada ayaa tusaale u ah falgallada taxana ah ee dh.b.ta.

garanayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(jool.) Dhadhaabo wiriqyadeedu waaweynyihiin oo dhulka hoostiisa ku adkaata. Macaadinta “quartz” iyo “feldspar” iyo kuwo kale ayaa dhadhaabtaan laga helaa. G.ku wuxuu ka mid yahay dhadhaabaha ugu adag uguna adkaysi badan, waa kan loogu heli ogyahay dhadhaab shiileedda hoose, waana dhadhaabta ugu badan dhulk.

jeermis-dilid [m.dh]
1. (daaw.) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiis.) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.

kuwoo [mu.ac.w]
eeg koo 2 (1).

kuwoo [mu.ti.w]
ld eeg koo¹/too¹

kuwooda [mu.lh.w]
eeg kooda¹ / tooda¹.

ku [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo.

ku [mu.ac.l]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg