laab
(m.l) (-bab, m.l)

1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq; jiiro. luuq, jiiro

laab
(m.l (jool.)) (-bab, m.l)

Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.

laab
(m.dh)

1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad. qalbi, niyad, xabad

laab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laab

jaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee. jaabajaabee

laabad [m.l]
ld laabasho. laabasho

laaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
Wax aan fidsanayn noqosho.

laaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
1. Wax aan kala baxsanayn ahaansho. 2. Wax aan weli la samayn ahaansho.

laabasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg laabo. ld laabad. laabad, laabo

laabato [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Meesha xubnaha waaweyni iska galaan oo laallaabata. 2. ld laabad. laabad

la [mu.y.ac]
Magacuyaal tilmaamaya in faluhu uu yahay qof aan la aqoon ama aan la caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.

la [h]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi. Tus. “Cali buu la socdaa”, “Wuu ila shaqeeyaa”, “Kursigaan la tag!”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg