labajibbaaran
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

1. Tiro, wax tiro la eg lagu dhuftay ahaansho. 2. Xarig laba mar laysku laabay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labajibbaaran

xaglagooye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu laba-gibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.

bed [m.l] (-dad, m.l)
(xis.) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).

dulmeeran [m.l]
(xis.) Shaxan joometiriyeed oo ku dul meeran ama wareegsan kuna oodan shaxan joometiriyeed ee kale. Tusaale ahaan: goobo ayaa lagu dul sawiri karaa geesaha labajibbaarane, markaa goobadu waa shaxan dulmeeran ah labajibbaaranuhuna waa dhexmeeran (eeg dhexmeeran).

jibaal [m.l]
1. (-llo, m.dh) Cabbir dhul beereed 25 tallaabo oo labajibbaaran ah. 2. Ded dhismo dhagax ah korka laga saaro.

laba jibbaarane [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Afar geesle leh afar dhinac oo toosan oo isle'eg iyo afar xaglood oo qumman. Bedka labajibbaarane waxa lagu helaa labajibbaarka dhinac ka mid ah dhinacyadiisa.

labajibbaarnaan [m.f.dh]
eeg labajibbaaran. ld labajibbaarnaansho.

lagas [m.l] (-gyo, m.dh)
(fiis.) (halbeeg) Summad: Lx. halbeegga caalamiga (H.C.) ee iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka 1 luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.

shardi [m.l]
(shuruud, m.l) (xis.) Hawraar ama weedh M oo lo baahanyahay in ay run noqoto si hawrar kale N ay u noqoto run. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah, markaa N ma noqon karto run M la'aanteed. Haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa; markasta oo ay M noqoto run Nna waa run. Dhanka kale run ma noqon karto. Tusaale ahaan, haddii afar geesle uu noqon karo laydi waa in uu raaliggeliyaa xaaladaha lagama marmaan-ka ah in laba ka mid ah dhinacyada afar geesluhu ay yihiin barbaro, haseyeeshe, kani ma aha xaalad kaafiya ah, xaaladaha kaafiga ah ee afar geesle in uu yahay qardhaas waa in ay dhammaan dhinacyada afar geesluhu yihiin 5 cm., haseyeeshe kani ama xalaad lagama maarmaan ah. in laydi uu yahay labajibbaarane waa in uu raaliggeliyaa xaalad dhererka dhinacya-diisa in ay isle'egyihiin. Sida kale haddi M ay tahay xaalad lagama maarmaan ee N -> M, haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa M -> N. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah iyo xaalad kaafi ah ee N markaa M N.

shaxan joomitiri [m.l] (-nno ..., m.dh)
(xis.) Qaab ka samaysma isku xirka baro, xarriiqyo, xoodad ama dulo. Goobooyin, labajibbaaranayaal, saddex-xagallo waa shaxanno sallax ah. Kubbad, saddex jibbaarane, ahraam waa shaxanno adke ah.

labajibbaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Tiro, tiro la eg lagu dhuftay. 2. Isku laabidda xarig laba jeer laysku laabo.

labajibbaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Tiro, tiro la eg ku dhufasho. 2. Xarig laba jeer isku laabid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg