labbis
(m.l) (-syo, m.dh)

1. Dhar lagu xarragoodo. 2. Dhar gaar ah oo lagu yaqaano ciidamada, ardada iwm. ld lebbis¹.

labbis
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)

Qof dhar xirasho. ld lebbis².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labbis

dharcad [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Qayb booliska ka mid ah oo u qaybsan dambi baarista oo labbis caadi ah qaata.

labbisad [m.l]
ld labbisasho.

labbisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Qof dhar qurxoon xirtay ahaansho. ld lebbisan.

labbisasho [m.f.dh]
eeg labbiso. ld labbisad, lebbisad, lebbisasho.

labbisid [m.f.dh]
eeg labbis². ld lebbisid.

labbisnaan [m.f.dh]
eeg labbisan. ld labbisnaansho, lebbisnaan, lebbisnaansho.

labbisnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld labbisnaan.

labbiso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
Labbis qaadasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg