labeen
(m.dh)

Lakab xalleefsan oo dufan ah oo badanaa caanaha dhayda ah dusha ka fuula.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh labeen

dhaashi [m.l]
1. Dufan ama labeen udug leh oo oogada la marsado. 2. ld dhaashasho.

dhallaax [m.dh]
Subag, labeen, xeydh, timir cajiiman iwm oo weelsalkiisa ku jira.

labeenaysad [m.l]
ld labeenaysasho.

labeenaysasho [m.f.dh]
eeg labeenayso. ld labeenaysad, labeenaysi.

labeenaysi [m.l]
ld labeenaysasho.

labeenayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Labeen yeelasho.

labeensad [m.l]
ld labeensasho.

labeensasho [m.f.dh]
eeg labeenso. ld labeensad, labeensi.

labeensi [m.l]
ld labeensasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg