logardam
(m.l) (-myo, m.dh)

(xis.) Tiro loo tibaaxay jibbaarka tiro kale tiro kasta x waxa loo qori karaa sansaanka x = ay, taas oo y ay tahay logardamka x ee sal a, logardam waxa loo soo gaabiyaa “log”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh logardam

lidlogardam [m.l] (-myo, m.dh)
(xis.) Fansaarka weydaarka u ah logardamka tiro ama tiro logardamkeedu yahay tiro la isa siiyey. Logardamka caadiga ah, lidlogga ee x waa 10x. Logardamkanabiir idlogga ee x waa ex. Lidlogardam waxa loosoo gaabiya “lidlog”.

logardam caadi [m.l] (-myo ..., m.dh)
(xis.) Logardam salkiisu yahay toban tusaale ahaan, log = 2 ama 100 = 10.

logardam nabiir [m.l] (-myo ..., m.dh)
(xis.) Logardam la adeegsado salka e = 2.71828..., log x badanaaba waxa loo qoraa “lnx”.

qurub-logardam [m.l] (-byo ..., m.dh)
(xis.) Qaybta togan ee ka mid ah logardamka tiro ee ah jajab tobanlaha ku yaalla midigta barta tobanlaha.

sal logardam [m.l] (-lal ..., m.l)
Tirada jibbaarkeedu la midka yahay logardamka tirada. Haddii logardamka x ee sal b (loo qoro logb x) yahay y, marka; b y = x . Salka logardamka caadiga ah waa 10.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg