loodi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax fidsan xoog ku laabid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh loodi

haloodi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld haloosi¹.

iloodi [m.l]
Qof basar badan leh.

loodin [m.f.dh]
eeg loodi.

loodsan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Wax la loodiyey noqosho.

loodsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la loodiyey ahaansho.

nadooci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax sida laan qoyan, ul, rabadh iwm loodin.

nadoocsanow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
Wax la loodiyay noqosho. ld nadoocsanaan.

xiloodi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Naag xodxodasho. 2. Qof cayr ah kaalmo ka doonid.

xiloodin [m.f.dh]
eeg xiloodi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg