luf
(m.l) (-faf, m.l)

Cad yar oo wax dhammaaday ka soo haray.

luf
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-fay, -ftay)

Wax yar uruurin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh luf

xaaluf [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Dhulka engegay ama nabaad-guuray oo daaqii ka dhammaaday.

xaaluf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Dhul daaq ka dhammaasho.

xaalufi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhul xaaluf ka dhigid.

xaalufid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaaluf².

xaalufin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaalufi.

bahgulufto [m.dh]
Dugaagga intiisa aan gaatamin oo orodka wax ku dila.

duluf [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Derin, jawaan, raar, iwm oo duugoobay. ld duruf (1).

dulufaaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qtay)
Si dan la'aan ah hore iyo gadaal ugu socosho (qof).

dulufaaqid [m.f.dh]
eeg dulufaaq.

guluf [m.l]
1. Koox yar oo fardooley ah oo dagaal u jeedda. 2. Orod aan xawli ahayn oo waqtiga dhiillada iyo colaadda la sameeyo. 3. ld gulfid.

l [m.dh] (la', laan, laam)
Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg