lug
(m.dh) (-go, m.l)

1. Bilawga bowdada ilaa cagta ama qoobka. 2. Jeex weyn oo laag ku dara dhirna leh. 3. Socod aan gaadiid la fuushanayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lug ā†“

aale [m.l]
Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iwm.

faalal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
1. Dhul ku kor faafid. 2. Lugabaxsi meel aan fogeyn ku tegid.

faalug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
ld faalig. faalig

faalugid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
ld faaligid. faaligid

jaamojoog [m.dh]
(c.nafl.) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

laan [m.l]
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka ā€œLā€.

laangare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof lug la' ama ka dhuntinaya; jiis. ld laangarre.

rablee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan boodid. 2. Timo haween si rable ah u samayn.

kaambe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay iyo toban lugood, lana cuno.

l [m.dh] (la', laan, laam)
Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg