lumiya
(m.dh)

(muus.) Meelo ka mid ah degaanka u dhexeeya webiyada ayaa shareerada looga yaqaan lumiya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lumiya

maandooriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.

taakh [m.l]
Wax qof waqti ka lumiya ama seejiya faa'ido; luggooyo.

argaggax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -gixi)
Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumiya la kulmid (qof).

ayoon [m.dh] (-nno, m.dh)
(kiim.) Atam ama koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba eeg aayoonayn.

caleendhacsade [m.l]
(bot.) Geedka lumiya ama ay ka hoobtaan caleemaha xilliyada qaarkood.

laayac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Qof xoolaha lumiya oo aan si fiican u ilaalin. 2. Wax aan la ilaalin. ld layac¹.

muqlo [m.dh]
1. Cudur neefka socodkiisa miisaanka lumiya ama uu la dheeldheeliyo oo uu ka qaado shilin cuntay. 2.Shilinta qaniinyedeeda cudurkaa keento. ld muqle.

xarriiqa waqtiyeynta caalamiga [m.dh]
(juqr.) Xarriq la mala awaalay oo caalamku isku raacay oo mara dhigta 180 , meelaha qaarkood oo magaalooyin lala raacay mooyaane. Marka darriiqdaas la gudbo iyada oo galbeed laga socdo barina loo socdo maalin ayaa lagu noqdaa; marka laga gudbo xarriiqdan lagana socdo bari loona socdo galbeed maalin dhan ayaa la lumiyaa.

lumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Habaabin; anbin. 2. Xoorid; khasaarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg