maaggan
(f.g/mg4) (-naa, -nayd)

1. (f.g) Qof mid kale ku gardaroonaya ahaansho. 2. (f.mg) Qof raba in uu wax sameeyo ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maaggan

maagganaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maaggan. ld maagganaansho.

maagganaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld maagganaan.

abhi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof maaggan in uu cid dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid. ld ahbi.

daaji [f.g/lg2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tus. “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. ld daaqsii.

dhibidhiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Dhibi isku sayrin (rati qooqan ama dagaal maaggan). ld dhebidhiso, dhebiliso, dhibiliso.

dig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Aroos iwm cid ogeysiin. 2. (f.mg) U d.: qof wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maagganyahay dareensiin si uu uga gaashaanto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg