maajo
(m.dh)

Bisha shanaad ee taariikhda miilaadiga ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maajo

armaajo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab qori ama bir ka samaysan oo guryaha iyo xafiisyada la dhigto, leh qaabab kala duwan iyo khaanado dharka, dukumentiga, maacuunta iwm lagu rito. ld armaadyo.

dhamaajo [m.dh]
Geed dhirindhirka u eg oo dhacaankiisa bararka lagu daweeyo. ld dhammaajo, dhamoog¹, dhamoojo, dhamooq¹.

dhammaajo [m.dh]
ld dhamaajo.

farmaajo [m.dh]
Cunto laga sameeyo caano la garooriyey lana qallajiyay.

xilli [m.l] (-iyo, m.dh)
(c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja-naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon-fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix-geliyaa taariikho gaar ahaaneed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg