maangal
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

M. ah: hadal caqligu oggolyahay, caqliggal, suurtaggal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maangal

gaalis-furan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.

gaalis-xidhan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo ay ku jiraan bar dhammaadyada. Gaaliska xidhan ee u dhexeyaa laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa [a,b]. Marka gaaliska xidhan lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada waxa ugu calaamadeeyaa goobo gudahooda la madoobeeyay.

maangalnimo [m.dh]
(fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.

dawggal [m.l]
1. ld dawggelid. Gabbashada wax la gaadayo meel loogu gabbado. 2. D. ah: arrin iwm oo maangal ah.

fansaar-tirigonometari [m.dh] (-rro ..., m.l)
(xis.) Fansaarro leh qiime maangal sida sin(x), cos(x) iyo tan(x) ee laga helo dheehashada qaar ka mid ah saamiyada dhinacyada saddex-xagal qumman.

kumulas [m.l] (-yo, m.dh)
(c.cimi.) Daruur u kobacsan si joog maangal, inkasta oo ay ka yartahay kumuloonombaas.

loojika [m.dh]
Caqligal; maangal.

qiimaha sugan ee tiro maangal ah [m.l]
(xis.) Tiro togan oo laxaadkeedu la mid yahay tiro la isa siiyey. Summadda qiimaha sugan ee tirada A waxaa loo qoraa A. Qiimaha sugan ee tirada 6 waa 6, qiimaha sugan ee - 6 waa 6.

qiimaha sugan ee tiro murakab ah [m.l]
(xis.) Xidid labajibbarka wadarta labajibbaarada ee qaybteeda maangalka iyo qaybteeda khayaaliga ah. Waxa kale oo la yiraahdaa laxaadka tiro murakab ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg