maanso
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maanso

afarrey [m.l] (-yo, m.l)
1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).

allife [m.l] (-fayaal, m.l/dh)
Qof maanso, muusiko, figrad iwm curiya.

ammaanso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.

beyd [m.l] (-dad, m.l)
1. Guri; aqal. 2. Hal sadar oo maanso ah.

curi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax aan hore u jirin samayn, sida maanso, muusika iyo qoraal allifid.

curis [m.l] (-syo, m.dh)
1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad. 3. ld curin.

deelqaaf [m.l]
1. Ka leexashada qaafiyad maanso ku socotay laga leexdo. 2. D. ah: Hadal meesha laga sheegayo aan ku habboonayn ama gef ah. 3. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.

deelqaafi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iaya, -isay)
Ka d.: maanso qaafiyaddeeda gefid.

dhaabad [m.dh]
1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iwm dhextaal u ah.

dhambalo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-ashay, -alatay)
1. (f.g) Wax si dherer ah u kala dillaacsasho. 2. (f.g) Galley hal mar ku shiidasho. 3. (f.mg) Ka dh.: maanso cid ka dheegasho.

maan [m.l]
Awoodda garashada ee qof leeyahay.

maan [m.dh]
1. Maalinta la joogo. 2. M.ta: beriga. 3. M.ta layl: maalinta oo idil. 4. M.tii saddexaad: maalintii saddexaad. 5. M.tii hore: maalmihii la soo dhaafay. ld maantay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg