maanyo
(m.l)

Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.

maanyo
(m.dh)

1. Bad. 2. Hees ay dabatadu ugaarta ku sasabato. 3. Nooc dhirta ka mid ah oo ay xawayaanku nafaqo ka helaan marka ay cunaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maanyo

waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.

bad [m.dh] (-do, m.l)
1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.

dhalmaanyo [m.dh]
ld dhilmaanyo.

dhilmaanyo [m.dh]
1. Cayayaan duula, leh afar baal, lix lugood af dhuuban leh oo ay xoolaha iyo dadka dhiigga kaga nuugto. 2. Cudur kaneecada laga qaado; duumo; dhaxan.

eymaanyo [m.l]
1. Nooc kalluunka ka mid ah oo hoosta isaga dhejiya maraakiibta, qubada iwm si uu cunto uga helo. 2. Nooc boolaboolada ka mid ah.

gabareymaanyo [m.dh]
Nafley la rumeysan- yahay inay badda ku nooshahay, taasoo qaarka sarana ka ah gabar qaarka dambena mallay.

gamaanyo [m.dh]
Lulmo; hurd.

gamaanyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Gamaanyo dareemi.

gamaanyood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg gamaanyo.

geelmaanyo [m.dh]
Naasley aad u weyn ee badda ku nool oo nibiriga u e.

maan [m.l]
Awoodda garashada ee qof leeyahay.

maan [m.dh]
1. Maalinta la joogo. 2. M.ta: beriga. 3. M.ta layl: maalinta oo idil. 4. M.tii saddexaad: maalintii saddexaad. 5. M.tii hore: maalmihii la soo dhaafay. ld maantay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg