maar
(m.l) (-rar, m.l)

1. Lakaybo isdul saar-saaran. 2. Afarta meesi ee xoolaha midkood. 3. Degaan geedo iyo ciid isku mid ah leh. 4. Dhawr warqadood oo turub ah oo hal mar la isku qaato ama la wada bixiyo. 5. Maal.

maar
(m.dh)

1. Macdan cawlan, jilicsan, oo lacagta iyo alaabooyin kale laga sameeyo. 2. Daxalka biraha dushooda ku samaysan. 3. Biyo muddo fadhiyey wasakhda ka dhalata. 4. Caws jilicsan oo xooluhu daaqaan raradana laga sameeyo. 5. Midab, guduud madow yari ku jiro ah oo lo'du yeelato.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maar

maadasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maado. ld maadad, maarad, maarasho. maadad, maarad, maarasho

kaaftoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
Ka k.: wax ka maarmid.

kaalbaa [m.l]
Caano fadhi ah, oo si ay u adkaadaan biyihii laga miiray oo ay lagama maarmaantahay in lagu cuno fandhaal.

maadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax halis ka dhawrid. ld maari.

maadin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maadi. ld maadis, maarin, maaris.

maado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
Ka m.: halis iska ilaalid. ld maaro².

oomaar [m.l]
1. Kul badan. 2. Ur ka dhasha cunto gubatay biyo la'aan awgeed.

oomaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Kul badan ku gubasho. 2. Cunto dab saaran biya la'aan awgeed gubasho.

oomaari [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Wax oomaar u yeelid.

oomaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oomaar².

ma [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

ma [x.i] Mase: ama
ld mise.

ma [m.l]
1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg