maaree
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-reeyay, -reysay)

1. Si farsama leh arrin u xallin. 2. Maar ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maaree

maareeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof madax ka ah mashruuc weyn ama wakaalad.

maareyn [m.f.dh]
eeg maaree.

maareysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).

siyaasi [m.l] (-iin, m.dh)
1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.

maar [m.l] (-rar, m.l)
1. Lakaybo isdul saar-saaran. 2. Afarta meesi ee xoolaha midkood. 3. Degaan geedo iyo ciid isku mid ah leh. 4. Dhawr warqadood oo turub ah oo hal mar la isku qaato ama la wada bixiyo. 5. Maal.

maar [m.dh]
1. Macdan cawlan, jilicsan, oo lacagta iyo alaabooyin kale laga sameeyo. 2. Daxalka biraha dushooda ku samaysan. 3. Biyo muddo fadhiyey wasakhda ka dhalata. 4. Caws jilicsan oo xooluhu daaqaan raradana laga sameeyo. 5. Midab, guduud madow yari ku jiro ah oo lo'du yeelato.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg