maas
(m.l)

1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maas ↴

maal [m.l]
1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid.

xamaasad [m.dh]
1. Dareen xooggan oo nafsaani ah oo ka dhasha dhacdo beerqaad leh oo qofku muujiyo farxad, jidbo, yaab iwm. 2. Ficil.

almaas [m.l]
Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah. ld dheeman.

damaashaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh oo lagu muujiyo maalin taariikh weyn leh.

damaashaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Maalin taariikh weyn leh ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh ku muujin.

damaashaadid [m.f.dh]
eeg damaashaad².

dhammaas [m.l]
Qof aan feejignayn oo dareenkiisa garasho meel kale ku mashquulsanyahay.

dhammaasan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Dhammaas ahaansho (qof).

dhammaasnaan [m.f.dh]
eeg dhammaasan. ld dhammaasnaansho.

dhadmmaasnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dham- maasnaan.

ma [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”.

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

ma [x.i] Mase: ama
ld mise.

ma [m.l]
1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg