maashi
(m.dh)

Xoolo cid laga soo kaxaystay si loo maalo kaddibna loo celiyo. ld maal¹ (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maashi

maal [m.l]
1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid.

dumaashi [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
Nin naagta uu qabo walaasheed wax uu u yahay.

dumaashi [m.dh] (-iyaal, m.l/dh)
Qof dumar ah, waxa ay u tahay ninka walaasheed qaba.

maashii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid xoolo irmaan oo uu muddo maalo siin.

maas [m.l]
1. Dhul nabaadguuray. 2. Dhul la abuuray oo aan weli wax ka soo bixin. 3. Deyn. 4. Saanta lo'da oo la magdiyey. 5. Midab guduud xigeen ah oo geelu yeesho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg