maato
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Dadka intiisa tamarta yar sida carruurta, waayeelka, iyo haweenka. 2. ld maati. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wax nin u eg ku sawiranyahay, mar kastana raaci karta; jookar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maato

xaas [m.l] (-sas, m.l)
1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.

furmaato [m.dh]
Heshiis dhexmara laba qolo oo dagaallansan si aysan isaga layn maxaabiista dagaalka ay ku kala qabsadeen.

jookar [m.l]
Warqad turubka ka mid ah oo marka iskaalada la ciyaarayo meel kasta oo warqad ka maqantahay buuxiya; maato.

maati [m.dh]
ld maato.

manqo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad iyo duunyo inta tabarta daran; maato.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg