maaweeli
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Cid si xiiso iyo raaxo leh waqtiga ku dhaafin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maaweeli

baalley [m.dh]
Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).

beembeeni [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof been ku maaweelin. 2. Is b.: sirmid.

cunsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.

dheeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley dheel ku maaweelin. ld dhayali, dheelsii (2).

golgoley [m.dh]
Ciyaar baxaarradu yaxaaska ku maaweeliyaan.

googgaale [m.l]
Halxiraale da'yartu isku maaweeliso, oo ay isku xujeeyaan sheegidda macnaha sarbeebta ah.

hambaasi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid maaweelin.

hiddiwaale [m.l]
1. ld hirimmaale. 2. Qof dadka been ku maaweeliya.

maantomaanto [m.dh]
Sheekoxariir carruurta iyo dhallinyaradu isku maaweeliyaan.

maantoole [m.l]
Sheekooyin (hore) aan dhicin oo carruurta lagu maaweeliyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg