maaxi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Ceel biyihiisa muddo u deyn si uu maax u yeesho. 2. Biyo calowsan muddo dhigid si gufarku uga fariisto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maaxi

duud-dhadhaabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.

gumaaxid [m.f.dh]
eeg gumaax². ld gumaax¹ (2).

maaxid [m.f.dh] (-day, -dday)
eeg maax².

maaxin [m.f.dh]
eeg maaxi.

mayl badeed [m.l] (-lal ..., m.l)
(juqr.) Halbeeg fogaansho ee lagu isticmaalo maaxidda badda oo la eg dhererka hal daqiiqo (1') ee tigraar goobo weyn oo ku sawiran isfeer la bed ah dhulka; mayl badeed waa 6,080 ft. ugu dhawaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg