maayad
(m.dh) (-do, m.l)

Qulqulka biyaha badda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maayad

cirifayn [m.dh]
1. (fiis.) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlab-danabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiis.) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.

cod [m.l] (-dad, m.l)
(nax.) Maayad hawo, neefsi aan ahayn oo soo dhex jibaaxda seedcodeedyada kana soo baxda moqorrada hadalka midkood.

duufaan-onkodle [m.l] (-nno ..., m.dh)
(fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.

meerkac-biyood [m.l]
(juqr.) Wareeg goobeed biyaha badda dhexdeeda ama webiga dhexdiisa oo ka dhashay kala sarraynta kanaalka, ama kulanka laba maayadood, ma sababo la mid ah.

neecaw [m.dh]
(juqr.) Eray badanaa lagu isticmaalo maayad hawo ah oo aad uga khafiifsan dabayl. Amase, waxaa lagu isticmaalaa noocyo ka mid ah dabaysha oo dhacdo joogto ah leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg