mab
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bay, -btay)

ld mam.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mab

ictiqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Diin, mabda' iwm aaminid.

aragti [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Sida arrin cid ugu muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka. 3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda'iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.

aydiyolooji [m.l]
(fals.) Mabaadii habeysan oo ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi ah. ld aydiyooloojiyo.

citiqaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Diin, mabda'iwm aaminid. 2. (f.mg) U c.: cid meel iwm u qasdiyid.

citiqaadsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof diin, mabda'iwm aaminsan. ld ictiqaadsan.

demokaraati [m.l]
D. ah.: qof aaminsan ama ku dhaqma mabda'a demokaraatiyada.

farsamabarad [m.l] (-dyo, m.dh)
Qof xirfad baranaya.

hantiwadaag-dawladeed [m.l]
(siyaa.) Qaran siyaasaddiisa iyo dhaqaalahiisu ku nidaamsanyahay mabda'a hantiwadaagga.

kacaandiid [m.l] (-dyo, m.dh)
Qof aan mabaadi'kacaan u hoggaansanayn.

m [m.dh]
(ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg