mabda'
(m.l) (-'yo/-baadi', m.dh)

1. Feker iyo aaraa habaysan oo cidi aamminsan tahay. 2. Aasaaska fikradaha cilmiga ah ee ku saabsan sayniska, diinta akhlaaqda iwm. 3. Ujeeddo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mabda'

ictiqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Diin, mabda' iwm aaminid.

aragti [m.dh] (-iyo, m.l)
1. Sida arrin cid ugu muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka. 3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda'iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.

citiqaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Diin, mabda'iwm aaminid. 2. (f.mg) U c.: cid meel iwm u qasdiyid.

citiqaadsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof diin, mabda'iwm aaminsan. ld ictiqaadsan.

demokaraati [m.l]
D. ah.: qof aaminsan ama ku dhaqma mabda'a demokaraatiyada.

hantiwadaag-dawladeed [m.l]
(siyaa.) Qaran siyaasaddiisa iyo dhaqaalahiisu ku nidaamsanyahay mabda'a hantiwadaagga.

mabaadi' [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg mabda'.

mabda' [m.l] (-'yo/-baadi', m.dh)
1. Feker iyo aaraa habaysan oo cidi aamminsan tahay. 2. Aasaaska fikradaha cilmiga ah ee ku saabsan sayniska, diinta akhlaaqda iwm. 3. Ujeeddo.

sahyuuniyad [m.dh] (-do, m.l)
Dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid diineed oo ku dhisan mabda'ujeeddadiisu tahay in Yuhuudda la ururiyo, la mideeyo oo loo helo meel la dejiyo.

tolweyne [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Tol badan intiisa curaddada ah. 2. Qabiilka oo dhan. 3. Dad isku dan, diin, iyo mabda'ah; qaran.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg