mac
(m.dh)

1. Dhadhan wanaagsan oo dhuuni leeyahay. 2. Neef aan caato ahayn, baruur badanna lahayn; lafqab. 3. Dhunkasho (caruureed).

mac
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-caa, -cayd)

1. Wax macaan ahaansho. 2. Cano dhay eh ahaansho. 3. Wax cayilan ahaansho (neef).

Macmal*

Wax uu sameeyey ama soo saaray bini'aadamka halkii ay ku dhici lahaayeen si dabiici ah, gaar ahaan sida nuqul ka mid ah shay dabiici ah.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mac

eber [m.l]
1. Tiro xisaabeed oo marka ay kaligeed tahay aan macne lahayn, laakiin marka tiradu midig ka raacdo toban ku dhufata. 2. Barta kala barta toganaha iyo tabanaha xisaabta. 3. E. ah: wax ama meel maran. ebar

haaco [m.l]
Qof aad u garaad yar; qof macangag ah.

waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.

gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.

caag [m.l] (kiim.)
Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey.

daac [m.dh]
Qabatoon; macaluul; diihaal. qabatoon, macaluul, diihaal

ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad

jaamac [m.l]
1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.

jaamacad [m.dh] (-do, m.l)
Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.

kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.

m [m.dh]
(ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg