macaadin
(Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural)

eeg macdan¹,².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh macaadin

dhadhaab [m.dh] (-bo, m.l)
(jool.) Walax adag ee qolofta dhulku ay si weyn uga samaysantahay; walaxdaas oo ka kooban macaadin; mararka qaarkood waxay ka koobantahay hal macdan oo kaliya, laakin sida badan waxay ka koobantahay dhawr macdannod.

garanayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(jool.) Dhadhaabo wiriqyadeedu waaweynyihiin oo dhulka hoostiisa ku adkaata. Macaadinta “quartz” iyo “feldspar” iyo kuwo kale ayaa dhadhaabtaan laga helaa. G.ku wuxuu ka mid yahay dhadhaabaha ugu adag uguna adkaysi badan, waa kan loogu heli ogyahay dhadhaab shiileedda hoose, waana dhadhaabta ugu badan dhulk.

kuwaatis [m.l]
(jool.) Mid ka mid ah macaadintra aad loo helo, oo ku jirta dhadhaabooyin iyo carrooyin badan iyadoo leh qaabab kala duwan, badanaa waxay buuxisaa dhuumaha, isgalooyinka, iyo hogagga dhadhaabaha. Badanaa waxaa ku qasan macaadin kale, oo ay ka mid yihiin birta ceeriin. Waxay ka samaysantahay silika iyo ogsajiin. Waxay samaysaa xaddigu ugu badan ee bataaxda.

macdan [m.l]
(macaadin, m.dh) (kiim.) Walax dabiici ah, oo noole aan ahayn ama aan ka imaan, oo leh isku dhis kiimikaad, isla markaasna leh astaamo fisikeed iyo kiimikeed oo cad. Halkaa waxaa ah ilaa 2000 macdanood oo la maranayo, oo leh qaabab wiriqeed oo kala duwan, laakiin macaadinta bah wadaagta ah kala duwanaashahoodu waa yaryahay.

saylam [m.l] (-myo, m.dh)
(bot.) Nudo u qaada biyaha iyo macaadinta nafaqada leh ee ku milan dhirta kelli.

xiidan [m.l]
(c.nafl.) Qaybta ka midka mindhicirka weyn ee lafdhabarleyda ee u dhexaysa siikamka iyo malawadka. Shaqada ugu weyn ee uu qabtaana waxa weeye ka soo nuugista macaadinta iyo biyaha hadhaaga cuntada aan la dheefshiidin ee soo dhaafta mindhicirka yar, taas oo marka dambe noqo-ta saxarro.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg