macaan
(m.l)

1. Dhadhanka sonkorta, malabka, xalwada iwm. 2. Dhadhan kasta oo carrabku jeclaysto.

macaan
(m.f.dh)

eeg mac². ld macaansho, maci.

macaan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Wax dhadhan carrabku aad u jeclaysto leh ahaansho (cunto, cabbitan). 2. Qof aad u dabci wanaagsan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh macaan

gaad [m.dh]
1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan.

kaadidhiig [m.l]
(daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.

kaadimacaan [m.l]
(daaw.) Cudur ay keento shaqo xumo ku dhacda ganaca, kaas oo soo saara insooliin. Insuliinta jidhka ku yaraatana waxay sababtaa sonkorta oo dhiigga ku badata, ka dibna loo qashinsaaro kaadi ahaan. ld kaadimma-caan.

kaadimmacaan [m.l]
ld kaadimacaan.

olkee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-keeyay, -keysay)
Hees iwm cod macaan oo dheer ku qaadid.

olko [m.dh]
Luuq macaan oo heesaha iwm lagu qaado.

ontorro [m.dh]
(bot.) Geed weyn qodax lahayn, hoos fiican, oo leh miro kulkulucsan oo macaan. ld hontorro.

oranjo [m.dh]
Liin kulkulucsan, waxoogaa ka waaweyn liimadhanaanta oo macaan. ld araanjo.

qaabuuli [m.l]
1. Bariis yaryar, macaan oo hindiya laga keeno. 2. Bariis lagu daray xawaaji, kabsar, geed kuleyl iwm.

xalwad [m.dh]
Cunto macaan oo laga sameeyo sankor, subag, warango, bur iwm oo la cuno.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg