madag
(m.dh) (-dko, m.l)

Qori gaaban oo sida badan geedka docolka, mareerka iwm laga qoro oo inta dhexda fantax yar looga yeelo ul yar oo af siman leh lagu fariisiyo, kaddibna xoog loo xurbiyo ilaa uu dab ka dhasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madag

madkee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
1. Madag bixin. 2. Isku m.: qof isku dhejin.

madko [m.l]
ld madag.

mad [m.l]
1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹.

mad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qof dhagax la dhicid. 2. Shaqal af carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. ld med².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg