madal
(m.dh)

1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. ld madar².

madal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-dlay, -dashay; -dli)

Qof ballamid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madal

yool [m.l]
1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.

baanise [m.l]
1. ld baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. ld baane.

gogoldhigad [m.l]
1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho. ld gogoldhigash.

madalbaaji [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Meel lagu ballamay ka maqnaasho (qof).

madalbaajin [m.f.dh]
eeg madalbaaji. ld madalbaajis.

madalbaajis [m.l]
ld madalbaajin.

madalhufi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof marin habaabin.

madalhufin [m.f.dh]
eeg madalhufi. ld madalhufis.

mad [m.l]
1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹.

mad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qof dhagax la dhicid. 2. Shaqal af carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. ld med².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg