mushaar
(m.l) (-rro, m.dh)

Lacagta qof hawl uu qabto laga siiyo bishii. ld munshaar, munshaaro, mushaaro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mushaar

urur shaqaale [m.l] (-rro ..., m.dh)
(taar.) Urur matala xoogsatada, rabo in uu wax ka baddelo xaaladda nolosha, mushaarada iyo lacagta.

dhiib [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
1. (f.g) Wax la hayo qof kale gacanta u gelin. 2. (f.g) Lacag, mushaar, deyn iwm bixin. 3. (f.mg) Is dh.: cid isu gacan gelin. 4. (f.mg) U dh.: cid wax u dirid.

munshaar [m.l]
ld mushaar.

munshaaro [m.dh]
ld mushaar.

mushaalli [m.dh]
Cunto jilicsan oo laga sameeyo badar iyo biyo laysku kariyey oo noqda hoore rib ah; shurbad. ld mishaari, mushaari.

mushaalliyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Badar mushaalli ka dhigid. ld mishaariyee, mushaariyee.

mushaalliyeyn [m.f.dh]
eeg mushaalliyee. ld mishaariyeyn, mushaariyeyn.

mushaari [m.dh]
ld mushaalli.

mushaariyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
ld mushaalliyee.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg