muslimi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

(dii.) Cid muslin ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muslimi

aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan

aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan

doofaar [m.l] (-rro, m.dh)
Naasley caws-kunool ah idaha la eg ka ballaaran,leh madax weyn, gano iyo dhogor yar oo hilibkiisu muslimiinta xaaraan ka yahay. ld doonfaar.

islaan [m.l]
1. Diinta nebi maxamed loo soo dhiibay oo muslimiintu haystaan. 2. I. ah: qof diinta nebi Maxamed rumeysan. 3. (-nno/-aammo, m.dh) Qof madaxnimo beeleed loo doortay. 4. Nin da'weyn.

kabco [m.dh]
(dii.) Dhismo muqaddas ah oo muslimiintu u jiheystaan markay tuka-nayaan, oo Maka ku yaal. ld kacbo.

khilaafo [m.dh]
Nidaam muslimiinta oo dhan ku dooran jireen khaliifkooda.

looxul-maxfuud [m.l]
Diiwaan muslimiintu ay rumaysanyihiin in lagu qoro waxa adduunka ka dhaca ama ka dhici doona oo idil. ld looxalmaxfuud.

masaajid [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
1. (dii.) Dhismo inta badan qubbad ama munaarad dheer dusha ku leh oo muslimiintu Eebbe ku caabudaan. 2. (dii.) Meel kasta oo u habaysan in muslimiintu Eebbe ku caabudaan.

muslimid [m.f.dh]
eeg muslin².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg