mustaqbal
(m.l)

Timaaddo; aayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mustaqbal

oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.

oddoros [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda maleawaalid.

ibidimooloji [m.l]
(daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.

saadaal-cudur [m.dh]
(daaw.) Saadaasha socodka cudurka iyo xaaladda mustaqbalka ee bukaanka iyadoo la tixraacayo aqoonta socodka cudurka oo horay loo lahaa, lana tixgelinayo caafi-maadka guud ee bukaanka, da'da iyo jin-siga bukaanka.

aayakatalin [m.dh]
Ka tashiga cidi ka tashato mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. ld aayakatashi.

calooshi-lacayaar [m.l]
(calooshood-lacayarro, m.dh) Qof maalintaas hantidiisu sida ay tahay u dhaqma oo aan mustaqbalka ka fikirin.

timaaddo [m.dh]
Wax mustaqbalka dhici doona.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg