mutuxan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-xnaa, -xnayd)

1. Qof keli ah oo cidi wehelin ahaansho. 2. Hadal aan asluub iyo xishood lahayn ahaansho. 3. Qof qaawan ahaansho. ld mataxan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mutuxan

mataxan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-xnaa, -xnayd)
ld mutuxan.

mutuxnaan [m.f.dh]
eeg mutuxan. ld mataxnaan, mataxnaansho, mutuxnaansho.

mutux [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. M. ah: qof qaawan. 2. M. ah: qof keli ah oo aan cidi wehelin. 3. M. ah: hadal aan asluub iyo xishood lahayn. ld matax¹.

mutux [Fal Labagudbe1 | Verb Bitransitive1] (-xay; -xday)
Is m.: hadal aan asluub iyo xishood lahayn ku hadlid; is-giriirixin. ld matax².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg