muud
(m.l)

ld muudid.

muud
(m.l) (-do, m.dh)

(baay.) Dareere hurdi-caddaan saafiya ah, kaasi oo soo hadha marka dhiiggu xinjiroobo kaddib, badanaana wuxuu ka kooban yahay balaasmo aan lahayn wakiillada xinjirowga dhiigga.

muud
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

1. Si dhuumasho ama qarsoodi ah kayn ama biyo dhexdood u marid. 2. Ka m.: biyo, kayn iwm meeshii laga galay ma'ahee meel kale oo ka fog ka soo bixid. 3. U m.: meel si qarsoodi ah u aadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muud

bakhayl [m.l] (-llo, m.dh)
Nin aan hantidiisa dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal. ld bakhiil¹.

cammuud [m.dh]
Ciid jilicsan oo aan lahayn habaas, dhoobo iyo dhagax.

dhabcaal [m.l] (-llo, m.dh)
Nin aan hantidiisa waxba ka bixinin; bakhayl, muudal.

dhunkuluulux [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Dh. ah: cunto aad loo kariyey oo muudmuudday.

dhunkuluulux [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday)
Cunto aad loo kariyey muudmuudid.

gacan-adag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-kaa, -kayd)
Wax, waxbixinta ku adagtahay ahaansho (qof); bakhayl; muudal, dhabcaal.

hammuude [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Geed yar oo dhulka ku faalala oo miro la cuno dhala. ld hammuudo.

hammuudo [m.dh]
Nagaar dhulka ku faalala oo dhala miro yar yar, dhanaan oo la cuno. ld hammuude.

hamuudo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nagaar dhulka ku faalala oo miro yaryar, dhannaan oo la cuno leh.

hormuud [m.l] (-dyo, m.l)
1. Qof kulliyad, machad iwm madax u ah. 2. Qof xeerbeegti garwadeen u ah. 3. Madax, hogaamiye.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg