muuji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Hadal, arrin iwm ujeeddadooda caddayn. 2. Wax, wax muuqda ka dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muuji

aabi [m.l ]
Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.

aabonimo [m.dh] (siyaasad.)
Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.

waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.

yaa [qr.]
Yaan: markii qurubka diidmada 'aan 2' lagu lifaaqo amar diidmo ayuu muujiyaa. Tus. “Yaanu keenin”.

aa [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xanuunka.

haad-haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Fudfudayd muujin.

qaab-dhuleed [m.l] (-bab ..., m.l)
(jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.

daacad [m.dh]
Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.

gaaf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Wax ka dheeraan iyada oo muujinaya diidmo iyo nicitaan (nafley).

gaalis-furan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka u dhexeeya laba tiro oo la isa siiyey oo aan ku jirin bar dhammaadyada. G.ka f. ee u dhexeeya laba tiro oo maangal ah a iyo b waxa loo qoraa (a,b). Marka g.ka f. lagu muujinayo xarriiq tiro bar dhammaadyada goobo ayaa la geliyaa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg