muujis
(m.l)

ld muujin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muujis

naanays [m.dh] (-syo, m.dh)
(kiim.)Hab loo qoro iskudhis kimikaad iyadoo la isticmaalayo summadaha atamyada ku jira. Hoosgalayaashu waxay u taaganyihiin tirada atamyada. Naaneys molikiyuulku waxay ku tustaa oo keliya nooca iyo tirada atamyada ah ee ku jira iskudhiska. Dhis naaneys molikuyuulkuna waxay muujisaa sida atammadu u ratibanyihiin.

saacad [m.dh] (-do, m.l)
1. Qalab waqtiga lagu cabbiro oo leh meel wareegsan oo lambaro ku yaalliin iyo laba irbadood oo kala dheer oo mid saacadda muujiso midda kalena daqiiqadaha muujiso. 2. Maalinta oo 24 meelood loo qaybiyey meesheed. 3. Wakhti.

annaaniyad [m.dh] (-do, m.dh)
(c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.

barmaguur [m.dh] (-ro ..., m.l)
(fiis.) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).

buro-qanjireed [m.dh]
(daaw.) Buro ka dhalata sooh qanjireed ama cad isu muujisa qaabka qanjirka.

caddayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Wax caddaan ka dhigasho. 2. Qof arrin iwm ee uu qarsanayey soo bandhigasho. 3. Shaah caano ku darsasho. 4. Neegatiif iyadoo kiimiko lagu meyrayo muuqaal u xambaarsanaa warqad ku muujisasho.

dayaan [m.l] (fiis.)
Noqodka hir jabaq ee dul (gebi ama buur) xoogaa innaga fog ay soo celisay, oo ka laciifsan jabaqdii asalka ahayd. Faraqa waqtiga ee ayoonka iyo jabaqda asalka ah, waxa ay muujisaa fogaanta gebiga ama buurta iwm.

dhiidhi [m.l]
1. Caro qiiro leh oo cid fal xun loo geystay muujiso; xanaaq. 2. ld dhiidhiyid.

faanfaan [m.l]
1. Fal kibir ku jiro oo cid muujiso si loogu ammaano. 2. ld faan- faanid.

ficiltan [m.l]
1. Dareen tartan xin lihi ku jiro oo cid ku dhaca ama muujiso. 2. ld ficiltamid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg