muun
(m.l) (-nan, m.l)

1. Ugaarta midkooda lab ee hoggaamiya inta kale. 2. Dameer weyn oo lab ah.

Hammuun, Hammuum.*

Baahi ama gaajo.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Macne Dheeraad ah

Waa baahida ama gaajada qofka qabata marka uu aroortii hore gurigiisa ka kallaho asaga oo gaajoon ama waxba cunin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muun

taallo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tus. “T. xusuuseed”.

bunbay [m.l]
Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; kasbo¹.

gamuun [m.l] (-nno, m.dh)
Ul yar, dhuuban, afka hore ka gammooxan, gadaalna fantax iyo baalal ku leh oo qaansada laga gem.

gamuunayn [m.f.dh]
eeg gamuunne.

gamuunee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
Gemuun ku gani.

hamuun [m.dh]
Rabitaan saa'id ah oo cunto loo qabo aroortii.

hamuun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uumay, uuntay; -uumi)
. 1. Wax aad u rabid. 2. Cunto aad u rabid.

hamuungorayo [m.dh]
ld hamuungorgor.

hamuungorgor [m.l]
Sugid la'aanta la sugi waayo cunto dab saaran ama bisil hamuun awgeed. ld hamuungorayo.

hamuuntir [m.l]
Cunto yar oo hamuunta la isaga bi'iyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg