muunad
(m.dh) (-do, m.l)

1. Tayo wanaagsan. 2. Qurux haybad. 3. Xurmo iyo sharaf. 4. Qayb yar oo u taagan alaab la suuq-gaynayo lagana arki karo nooca iyo sifada alaabtaas. ld muuno.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muunad

bunbay [m.l]
Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; kasbo¹.

kasbo [m.dh]
Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; bunbay.

kiloogaraam [m.l] (-mo, m.dh)
Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.

midab [m.l] (-bbo/-byo, m.dh)
1. Marka fallaaraha ilaysku ku dhacaan walax ee ay ka soo noqdaan, muunadda ay isha tusaan: sida casaan, cagaar iwm. 2. Nooc ka mid ah kalluunka oo yaryar, oo sharaxsharax leh.

mitir [Magac Lab | Noun Masculine]
(fiis.) Summad m. Halbeegga caalamiga (H.C.), ee dhererka loona qeexo dherer le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna xafido waaxda keydinta cabbirka iyo miisaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis.

muunadayn [m.f.dh]
eeg muunadee. ld muunayn.

muunadaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Muunad leh ahaansho (wax). ld muunaysan.

muunadaysnaan [m.f.dh]
eeg muunadaysan. ld muunadaysnaansho, muunaysnaan, muunaysnaansho.

muunadaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld muunadaysnaan.

muun [m.l] (-nan, m.l)
1. Ugaarta midkooda lab ee hoggaamiya inta kale. 2. Dameer weyn oo lab ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg