muuqaal
(m.l) (-llo, m.dh)

1. Muug. 2. Waxa la daawado oo dhan sida filinka, masraxiyadda iwm.

muuqaal
(m.l)

(nax.) Qaab muujinaya habdhaca falka oo la xiriira muddada dheer ama gaaban ee falku dhacayo iyo dhammaadshihiisa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muuqaal

aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.

aaddan [f.g.mg4] (-naa, -nayd)
1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.

ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.

kaahin-dulmadow [m.dh]
(fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.

laabtuurle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(jool.) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.

raad-guri-cagaar [m.l] (-dad, m.l)
(c.cimi.) Muuqaal fallaaraha qorraxeed ee galay gibilka dhulka: gibilku wuxuu u oggolaadaa tamarta qorraxeed ee hirarka gaaban inay gaarto dhulka dushiisa; tamartaasi waxay kululaysaa dusha dhulka, dabadeedna dhulku tamar kulul oo hirarkeedu ay dhaadheeryihiin ayuu gibilka ku sii daayaa, kulaylkaasna gibilka ayaa lagu hayaa gaar ahaan marka cirku caad leeyahay. Sidaas darteed gibilku wuxuu u shaqaynayaa sida qarshada guri cagaar.

urduf [m.l] (-fyo, m.dh)
Wax tabar daran oo aan muuqaalkiisu fiicnayn.

abuur [m.dh]
Dabeecad ama muuqaal loo dhashay; baxaalli. ld abuuris.

aliil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.

arag [m.l]
1. Hawsha indhuhu jirka u qabtaan ee ugu tebiyaan walxaha ka hor imaanayaa waxa ay yihiin. 2. Muuqaal.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg