muuqasho
(m.f.dh)

eeg muuqo. ld muuqad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muuqasho

caadbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho.

kaah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
If muuqasho.

laac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Gacan fidsan wax ku tiigsasho. 2. (f.mg) Ka l.: cunto, cabbitaan iwm deg-deg u dhammaysasho. 3. (f.mg) Naq baxay muuqasho.

arag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-rkay, -ragtay; -rki)
1. Indho muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si gaar ah cid ula muuqasho.

bax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.

bidhaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Wax meel fog ka muuqasho. 2. Iftiin ama dhalaal yar meel ka birbirid.

buudhi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho.

daalac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -lici)
Dayax ama qorrax soo muuqasho.

darar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Neef xoolo ah candhadiisa caano badan ka muuqasho.

dhexmuuqasho [m.dh]
eeg dhexmuuqo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg