muusika
(m.dh)

1. Dhawaaq dheguhu ku raaxaystaan dhabaq lahayn oo ka dhasha qalab ama wax ka badan oo la garaaco ama la yeeriyey. 2. Hees iyo qalab la tumayo oo wadajira. ld muusiqa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muusika

baan [m.l] (-nan, m.l)
Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska.

biyaano [m.dh]
(muus.) Qalabka muusikada jaadadkiisa waaweyn jaad ka mid ah oo codad aad u kala duwani ka soo baxan.

caroog [m.l] (-gyo/caroog, m.dh)
1. Buun. 2. (muus.) Qalabka muusikada nooc ka mid ah oo leh af ballaaran, cod dheerna bixiya.

curi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax aan hore u jirin samayn, sida maanso, muusika iyo qoraal allifid.

fiyooliin [m.l]
(muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada.

gambuus [m.l] (-syo, m.dh)
(muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada lagu tumo oo ka samaysan qori ama bir wareegsan oo hal dhinac harag kaga haaranyahay.

hurdo diid [m.l]
Nooc ka mid ah ciyaaraha la raacsiiyo muusikada shareero, waxaana ciyaara beeraleyda ku sugan degaanka webiga Shabeelle.

kaban [m.l] (-nno, m.dh)
(muus.) Alaabaha muusikada nooc ka mid ah. ld kaman.

koox [m.dh] (-xo, m.l)
1. Tiro isku duuban oo aan badnayn. 2. (muus.) Dad badan oo aaladaha la afuufo ama la garaaco ee muusikada yeeriya. 3. Dad badan oo ciyaartoy ah oo kubbadda nooc ka mid ah ciyaara.

luumbi [m.l]
Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. ld nuumbi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg