naar
(m.l) (-rar, m.l)

Harag lo'aad ama geel oo inta hab gaar ah loo sameeyo xoolaha lagu waraabiyo. ld naadh.

naar
(m.dh) (-ro, ml.)

1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.

naar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Cid naar gelin (Eebbe). 2. Wax aad u gubid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naar

naadh [m.l] (-dhadh, m.l)
ld naar. naar

naar-afuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.

naarajiin [m.dh]
1. Geedka qunbaha. 2. Saliidda laga miiro qunbaha.

naarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naar³.

naarsime [m.l] (-mayaal, m.l/dh)
Naduur.

naarsimo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Magaca guud ee qalabka birtumuhu adeegsado oo dhan leeyihiin.

ahalunnaar [m.l]
ld ahlunaar.

na [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”.

na [Xiriiriye | Conjunction]
1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg