nabadgelyo
(m.dh)Xaalad nabad iyo degganaan leh oo lagu sugnaado.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabadgelyo ↴
og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo
leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog
wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo
ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta
wax guntooda la ogyahay. ogaan
nabaaddiino [m.dh]
1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
wadayaal [m.l]
Dad isku xeer ah oo degaan si nabadgelyo ah ugu wada nool. ld wadataal.
ammaan [m.l]
1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.
ammaanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
Qof ama shay ammaan siin; nabadgelyo siin.
ammaangeli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax nabadgelyo siin.
amni [m.l]
Nabad, nabadgelyo.
baraar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan.
danwadaag [m.dh] (-go, m.l)
1. Dad isku degaan ah oo wadaaga heshiis nabadgelyo. 2. Dad isku degaan ah oo dan gaar ahaaneed ka dhexeyso.