naban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay; -bmi)

Timo, ciid iwm la nabay noqosho.

naban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

1. Timo, ciid iwm wax la nabay ahaansho. 2. Wax meel ku dheggan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naban

nabmid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naban¹.

nabnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg naban². ld naabnaan.

nabnow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3]
Wax naban ah noqosho.

dheggan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax meel ku naban ahaansho. 2. Ku dh.: aad ugu mintidid (diin, ra'yi iwm).

dhegsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax meel ku naban ahaansho.

lammaane [m.l]
(nax.) Erey ka kooban labo erey ama in ka badan oo kala duwan, yeeshana micno cusub. Tus. “dhul + bare -> dhulbare”. Lammaane = la iyo maan halka e-da danbena ay tahay mid sheegaysa adkaanshiyo sida wax isku naban, isku sudkan. Tusaale: “Waa baahi ka dhaxeysa laba shakhsi si ay isku dhameystiraan” lamaane

nab [m.l]
ld nabyo.

nab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg