nabsi
(m.l)

1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay.

nabsi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Nabsi ku reebid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nabsi

nabsiyid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg nabsi².

caaqilo [m.dh]
Ciqaabta Rabbi ee ku dhaca cid cid kale ama wax kale ku gabbood fasha; nabsi.

cuqubee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Cid nabsiyid.

cuqubo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn, cid ku dhacda oo kaga timaada nabsi uu galay.

dhif [m.l]
1. Nabsi. 2. Dh. ah: wax aan badanaa la arag ama la helin.

nab [m.l]
ld nabyo.

nab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Cid fal ama hadal aanay samayn ama dhihin ku sheegid; masabidid. 2. Is n.: wax hurda iska dhigid. 3. Ku n.: wax meel ku dhejin. 4. Ciid, timo iwm dhejin. 5. ld naab³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg